Allbanaadir.com
NEWS

Guddi katirsan Golaha Shacabka oo Su’aalo weydiiyay Wasiir Mukhtaar Roobow

Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Dinta  ee Golaha Shacabka ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Shir kula yeeshay wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Kulanka guddiga waxaana goobjoog ahaa qaar kamid ah xubnaha guddiga, inta uu shirka socday waxaa su.aalo kala duwan laga weydiiyay Wasiirka Arrimaha xajka iyo cabashooyinka ka soo laabtay.

Wasiirka ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha guddiga isagoona sheegay halka ay marayso qaban qaabada dhismaha wasaarada iyo waliba furitaanka machadka isbaheysiga.

Ugu danbayn shirka ayaa ku soo dhamaaday is afgarad ,waxaana lagu balamay in la xoojiyo wadashaqeynta u dhaxeysa guddiga Garsoorka iyo Arrimaha Diinta iyo wasaaradda kulamo kalane la isugu yimaaddo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada oo amartay in la soo xiro Mahmoud Al-Werfalli

Caydiid Ali

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Caddeeyay hal arrin ay ku garab taagan yihiin Dowladda

Cabdi Cade

Ogow Sababta hortaagan in dalalka safka hore ay kusoo biiraan dagaalka Al-Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---