Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xisbullah oo shaacisay inuusan quseyn heshiiska Xabad joojinta, ayna sii wadeyso dagaalka

Kooxda Xisbulah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay iney sii wadeyso duqeymaha ay ku heyso woqooyiga Israel ka dib xabad joojin afar maalmood ah oo ay gaareen Xamaas iyo Israel.

War ay soo saartay kooxda ayey ku sheegtay ineysan qeyb ka aheyn dhinacyada gaaray heshiiska xabad joojinta ee beri ka dhaqan galaya Gaza sidaas awgeedna ay sii wadayaan dagaalka.

Xabbad joojinta Israa’iil iyo Xamaas ayaa lagu wadaa inay bilaabato 10-ka subaxnimo xilliga maxalliga ah (3-da subaxnimo ET) Khamiista sida uu sarkaal Israa’iili ah u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Waxaa jira ikhtiyaar ah in hakadka dagaalka uu sii ahaado ilaa 10 maalmood, laakiin saraakiisha Israa’iil waxay rumeysan yihiin inaysan u badneyn inay sii jirto muddadaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay markii heshiiska la ansixiyay in 10-ka qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, ay jiri doonto maalin dheeraad ah oo hakad ah dagaalka.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la sii daayo ugu yaraan 50 la haystayaal ah oo Xamaas ay qabsatay, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, taasoo lagu beddelanayo in muddo afar maalmood ah la hakiyo ololaha cirka iyo dhulka ee Israa’iil. sido kale 150 maxbuus oo falastiiniyiin ah  ayaa laga sii dayn doonaa jeelasha Israel, taasoo qayb ka ah heshiiska.

 

 

Related posts

Bilad geesinimo oo la siiyay Axmed Fiiqane & Max’ed Cumar oo qarax isku dhigay

Caydiid Ali

Jubbaland oo War cusub ka soo saartay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Al Haji Ali Hassan Mwinyi oo geeriyooday & Wasiir Soomaali ah oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---