Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxman Hiiti Ibrahim oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Abdirahmaan Hiiti Ibraahim (Abuu Abdirahmaan) oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibey Taliska Ciidanka GorGor Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ninkan ayaa la sheegay inuu masuulkii Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanada Nuurdugle iyo Guulane ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Abuu Abdirahmaan ayaa Al-shabaab ka tirsanaa muddo 7 sanno ah Waxaa uu hadda ka soo tagey Magaalada Galhareeri ee Gobalka Galgaduud sida uu sheegay.

“Horjooge Abdirahmaan hiiti ayaa ka sheekeeyey xaalada adag oo ka jirta gudaha cadowga taasoo ah Gumaad iyo Gumaysi ay isku hayaan iyaga dhexdooda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.

Related posts

Ogeysiis: Deeqda Waxbarasho ee Hormuud usoo bandhigtay Ardayda Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Nibiri soo caariyay oo calooshiisa laga helay qashin aad u badan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Ma waxaan u dabaaldegnaa Waqooyi iyo Koonfur kala tegey”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---