Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo shuruud adag ku xiray sii deynta Markabka Israel, digniina soo saaray

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada badda ee Xuutiyiinta Arbacadii shalay ayay ku cusboonaysiiyeen digniin ku socota maraakiibta ku sugan badda cas oo ka babanaya calanka Israa’iil, kuwaas oo ay maamulaan shirkado Israa’iiliyiin ah ama ay leeyihiin Israa’iiliyiintu.

Kooxdu waxay ku dhawaaqday rabitaankeeda ah inay sii wado hawlgallada militari ee ka dhanka ah maraakiibta iyo danaha Israel ilaa “gardarrada Israel ay ka joogsato Gaza.”

Bayaanka ayaa looga digay cutub kasta oo militari oo ilaalinaya maraakiibta Israel, isagoo sheegay in loo aqoonsan doono bartilmaameedyada sharciga ah ee howlgallada Xuutiyiinta.

Intaa waxaa dheer, ciidamada badda waxay uga digeen dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada inay ku hawlanaadaan rarida alaabadooda ama danahooda maraakiibta Israel, iyagoo xoogga saaraya cawaaqibka ka dhalan kara.

Sida lagu sheegay bayaanka, ciidamada badda ee Xuutiyiinta ayaa ugu baaqay dhammaan maraakiibta mareysa badda cas inay ka fogaadaan maraakiibta Israel, waxayna si cad ugu taliyeen in la naafeeyo aaladaha aqoonsiga.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in markab xamuul ah lagu afduubtay koonfurta badda cas, waxaana markabkaas iska leh ganacsade u dhashay Israel

Markabka Xamuulka ah oo lagu magacaabo Galaxy Leader ayaa Xuuthiyiinta ay ka qafaasheen Badda Cas maalintii Axadda, waxaana saarnaa ilaa 25 shaqaale ah. Waxaa maamusha shirkadda maraakiibta iyo saadka ee Japan ee Nippon Yusen Kaisha (NYK) Line, Xoghayaha Golaha Wasiirada Japan Hirokazu Matsuno ayaa Isniintii sheegay.

Japan ayaa hadda la shaqeysa Israel waxayna ka codsatay Sacuudiga, Cumaan iyo Iran inay ka dalbadaan Xuutiyiinta inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii daayaan markabka iyo shaqaalaha saaran.

Mareykanka wuxuu dalbanayaa “si deg deg ah loo sii daayo” markabka xamuulka ah iyo shaqaalihii ay Xuuthiyiinta ku qabteen Badda Cas, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Matt Miller ayaa yiri Isniintii.

Hase ahaatee hogaamiyaha Xuutiyiinta ayaa shuruud adag ku xiray sii deynta markabkaas, taasoo ah in la joojiyo weerarka ay Israel ku heyso Gaza, lana gaarsiiyo gargaar nooc kasta leh.

Related posts

Dayuurado caalami ah oo ka baaqday garoonka Aadan Cadde & DF oo ka hadashay

Caydiid Ali

Wado Laami ah oo isku xirta jidka 30-ka iyo Laamiga Garawe oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ka geystay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---