Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maalinta & Saacada ay dhaqan galayso Xabad joojinta Israaiil iyo Xamaas oo la shaaciyey

Xabbad joojinta Israa’iil iyo Xamaas ayaa lagu wadaa inay bilaabato 10-ka subaxnimo xilliga maxalliga ah (3-da subaxnimo ET) Khamiista sida uu sarkaal Israa’iili ah u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Waxaa jira ikhtiyaar ah in hakadka dagaalka uu sii ahaado ilaa 10 maalmood, laakiin saraakiisha Israa’iil waxay rumeysan yihiin inaysan u badneyn inay sii jirto muddadaas.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay markii heshiiska la ansixiyay in 10-ka qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, ay jiri doonto maalin dheeraad ah oo hakad ah dagaalka.

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la sii daayo ugu yaraan 50 la haystayaal ah oo Xamaas ay qabsatay, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, taasoo lagu beddelanayo in muddo afar maalmood ah la hakiyo ololaha cirka iyo dhulka ee Israa’iil. sido kale 150 maxbuus oo falastiiniyiin ah  ayaa laga sii dayn doonaa jeelasha Israel, taasoo qayb ka ah heshiiska.

Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah in gargaar gaaraya 150 gaari la gaarsiiyo Koonfurta iyo woqooyiga Gaza, kaasoo uu ku jiro Shidaal iyo in dayuuradaha wax basaasa ee Mareykanka iyo Yuhuuda ay maalin kasta 6 saac joojiyaan duulimaadyada si aysan u ogaanin goobaha laga soo saarayo maxaabiista la sii deynayo.

Qatar iyo Masar ayaa ka soo shaqeeyey wada-xaajoodyadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska, iyadoo labada dal ay sheegeen inay rajeynayaan inay tahay tallaabo loo qaaday xabbad-joojin iyo xal waqti dheer ah. Maraykanku siodoo kale door weyn ka ciyaaray xabad joojinta, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu sheegay in heshiiska uu yahay horumar la taaban karo

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania oo isku af-gartay ka shaqeynta arrimo badan oo muhiim u ah labada dal

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Odayaasha beesha Xawaadle oo Heshiis gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Burcad badeed xabsi daa’in ugu xirnaa dal Carbeed oo lagu celiyey Boosaaso (Sawirro)

Caydiid Ali