Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka dal Afrika kuyaalla oo u codeeyay in Safaarada Israa’iil ee dalkooda la xiro

Dowladda Koonfur Afrika ayaa qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah maamulka Israa’iil , waxa ayna baarlamaanka dalkaasi u codeeyeen in safaarada Israa’iil ku leedahay dalkooda la xiro.

Kulan ay yeesheen xildhibaannada baarlamaanka Koomfur Afrika ayey ugu codeeyeen in la xiro safaaradda Israa’iil ee Pretoria, lana joojiyo dhammaan xiriirkii diblamaasiyadeed ilaa laga gaarayo xabbad-joojin dagaal Gaza.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa laga sugayaa meel marinta qaraarkan ay u codeeyeen xildhibaannada Koonfur Afrika, kuwaa oo si weyn uga xumaaday xasuuqa Israa’iil ka wado magaalada Gaza.

Afhayeenka madaxtooyada dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Madaxwaynaha iyo golaha wasiiradu ay ku hawlan yihiin meel marinta qaraarka baarlamaanka , waxa uuna xusay in madaxweynaha uu qadariyo go’aannada baarlamaanka.

Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa si bareer ah u dhaleeceeyay hoggaanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Marinka Gaza, dowladda Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada inay baaritaan ku sameyso dambiyada dagaal ee dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska oo War ka soo saaray qaraxii caawa ka dhacay Iskoolo Buluusiyo

Caydiid Ali

Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka Saddex geesoodka ah ee ka furmaya Asmara

Caydiid Ali

Rag badan oo ka naxay Cilmi baaris lagu sameeyey kaniiniga Paracetamol

Caydiid Ali
Taboola Ads ---