Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa Khaatumo SSC ayaa saakay ka qarxay deegaanka Yeyle ee gobolka Sool, halkaas oo fariisin u aheyn ciidamada maamulka Khaatumo.
Dagaalka socda ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna labada dhinac midbo kan kale ku eedeeyay in dagaalku iyagu bilaabeen, waxa ay sidoo kale dagaalka ku kala sheegteen guulo.
Halkan ka akhriso war-saxaafadeed Khaatumo kasoo saartay dagaalka socda.
Saddexdii Maalmood ee ugu danbeeyay Waxaa Degmada Yeyle isaga daba tagay Wufuud Nabadayn ah oo ka kooban Isimmo, Cuqaal iyo Waxgarad Kale. Weftigaas oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, waxayna deegaannadaas ka wadeen wacyigelin nabadeed iyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaha jira.
Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen Degmada Yeyle iyo Goobihii ay ku sugnaayeen waftigii Nabadayntu. Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya.
Ciiddammada xaq-u-dirirka ee difaaca SSC-Khaatumo ayaa si geesinnimo leh uga Hortegay weerarkaas fulaynimada ah, islamarkaana ku guulaystay in ay dib ugu celiyaan goobihii ay ka soo duuleen.
Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo aanu Saxaafadda u soo bandhigi doonno.
Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Shacabka weynaha iyo Ciiddammada Difaaca SSC-Khaatumo in ay u diyaar-garoobaan difaaca deegaankooda iyagoo aan cidna duullaan ku ahayn.
Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Balse Maamulka Muuse Biixi ay ka go’antahay in ay dhacaan colaado iyo dagaallo daba-dheeraada.
Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com