Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo xoogagga maamulka SSC Khaatumo ayaa saaka ka bilowday meel u dhow degmada Oog oo u dhaxeysa deegaanada Yeeyle iyo Buur-dharkeyn ee gobolka Sool.
Sida aan wararka ku heleyno dagaalka labada dhinac u dhaxeeya ayaa ah mid culus, waxaana dagaalka la sheegay in uu ka bilowday weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisimo ay joogeen ciidamada Khaatumo.
Dagaalka socda ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, waxaana aad u adag in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka iyo waliba cidda ku gacan sareysa.
Ciidamada maamulka Khaatumo ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaalka maxaabiis ay sheegeen in lagu qabtay dagaalka maanta socda, waxa ay sidoo kale baahiyeen sawirrada gaadiid dagaal iyo hub ay ka qabsadeen ciidamada Somaliland.
Aaga dagaalka ka socdo ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool u jirta qiyaastii 120-km, waxaana aagaasi hadda gaaraya ciidamo badan oo gurmad ah oo labada dhinac kala taageeraya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com