Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Qalliin is qurxin ah u aaday dalka Turkiga oo si lama filaan ah u geeriyootay

Dowladda Ingiriiska ayaa ha hadashay gabar dhallinyaro ah oo u dhalatay dalkaasi oo ku geeriyootay isbitaal kuyaalla dalka Turkiga, xilli gabadhaasi loo sameenayay qaliin jirkeeda lagu qurxinayay.

Melissa Kerr oo 31-ssano jir aheyd ayaa dalka Turkiga u aaday sidii ay isugu sameyn laheyd qaliin is qurxin ah, waxaana gabadhan la sheegay in ay geeriyootay xilli ay dhaqaatiirta ku howlanaayeen qalliinka jirkeeda lagu sameenayay.

Gabadhan ayaa la sheegay in dhaqaale badan ku bixisay sidii qalliin  loogu sameeyo simaha ama miskaha si loogu weyneeyo, balse waxaa ay u dhimatay qalliinkaas ay ku martay isbitaal gaar loo leeyahay oo Turkiga kuyaalla.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dowladda Turkiga kala hadli doonaan geerida gabadhan ,gaar ahaan tallaaboooyinka loo maro iyo sharciga ka dhanka ah qalliinka quruxda la xirriira.

Qalliinada is qurxinta ah ay inta badan isku sameeyaan hablaha dhallinyarada ayaa mararka qaar sababa geeri, waxaana isbitaalo waaweyn oo caalamka kuyaalla marar badan ka dhacday geerida dad qalliino is qurxin ah loo sameenayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro dhac yaab leh ka geysatay Hargeysa oo la soo qabqabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Iska horimaad gacanka Cumaan ku dhexmaray Ciidamada Badda Maraykanka iyo Kuwa Iran

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo codsi u diray culimada ku sugan Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---