Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo Muqdisho ka bilaabay ololaha qorshe uu Xasan Sheekh wato

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo kulan gaar ah kula qaatay qaar badan oo kamid ah xildhibaannada labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed .

Laftagareen ayaa xildhibaannadan ku casuumay in ay yimaadaan magaalada Baydhabo si ay wadatashiyo uga yeeshaan arrimo xasaasi ah, waxaana maanta kulankii ugu horeeyay yeeshay madaxweyne Laftagareen iyo xildhibaannada labada aqal ee Baydhabo tagay.

Kulanka dhax maray madaxweyne Laftagareen iyo xildhibaannadda laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin bilaabida howlgalo ka dhan ah Al Shabaab iyo sidoo kale saameynta ka dhalatay fatahaada.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii xildhibaannadan laga soo doortay Koonfur Galbeed u meel marin lahaayeen heshiiskii golaha wadatashiga Qaran ee wax looga bedelayo qaar kamid ah qodobada dastuurka ee dalka u yaalla.

Madaxweyne Laftagareen ayaana ka codsaday xildhibaannada uu la kulmay in ay taageeraan wax ka bedelka dastuurka, si loo meel mariyo rabitaanka madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in dalka xisbiyo yeesho lagana saaro meesha nidaamka Ra’isul Wasaaraha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaana habeeno kahor Muqdisho kula kulmay madaxweyne Laftagareen , waxa uuna ka codsaday in xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo badankood taageersan yihiin kasoo dhaadhciyo wax ka bedelka dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale olole xooggan ugu jira sidii wax ka bedel loogu sameyn lahaa dastuurka dalka marka uu furmo kalfdahigga Baarlamaanka, waxa uuna madaxda maamulada qaar ka dalbaday in arrintan kala shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tartanka K/Cagta degmooyinka G/Banaadir oo furmay (Sawirro)

Caydiid Ali

Cudur dilaa ah oo ka dilaacay dalal ku yaalla Qaaradda Afrika iyo Soomaaliya oo..

Caydiid Ali

Maxaa keenay in Macalimiinta ajnabiga ah laga saaro gobolka Soomaalida Kenya?

Caydiid Ali