Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay deegaannada uu ku fatahay Wabiga Juba ee gobolka Jubada hoose.
Madaxweynaha oo ay wehelinayeen madaxda hay’adaha gargaarka iyo howlwadeeno kala duwan oo Dowlada katirsan ayaa deegaanada uu booqday kusoo arkay dhibaatada ay la kulmayaan boqolaalka kun ee qoys ee ku nool meelaha fatahaadu ay saamaysay.
Boqolaal kun oo qof ayaa ku gurya beelay fatahaada wabiga Jubba sameeyay, iyadoo magaalooyinka qaar ay burbureen buundooyinka iyo kaabayaasha kale, sidoo kale go’een waddooyinkii isku socodka muhiimka u ahaa.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guddiga gurmadka fatahaada ee taakulada hordhaca ah ka wado meelaha ay saamaynta badan ka jirto iyo shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka oo adeegyo caafimaad u fidinaya dadkan oo kasoo barakacay Inta badan gobolka jubada dhexe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com