Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Puntland oo fashiliyay qarax labaad oo lagu diyaariyay magaalada Boosaaso

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka maamulka Puntland oo magacooda loo soo gaabiyo PISF ayaa saakay fashiliyay qarax nuuca miinada ah oo lagu aasay magaalada boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Taliska ciidanka sirdoonka PISF ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegeen in ay saakay fashiliyeen qaraxa miino oo kooxaha Argagixisada ah geliyeen waddo kutaalla gudaha magaalada Boosaaso.

“Ciidanka sirdoonka gaarka ah ee PISF oo gacan ka helaya PMPF ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan qarax 2aad oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo muwaadiniinta Puntland iyo ganacsiyadooda ee magaalada Boosaaso”.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo ay fashiliyeen saacado gudahood sirdoonka Puntland, waxa ayna shalay ciidamada  fashiliyeen qarax miino oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo xarun ka shaqeysa dhismaha oo kutaalla magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo faahfaahiisay howlgalka cusub ee Midowga Afrika

Caydiid Ali

Ciidamo muhiim u ah sugida amniga Muqdisho oo la diyaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Sudan oo hanjabaad u diray dal garab siinaya RSF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---