Allbanaadir.com
NEWS

Deni oo cadeeyay in uusan gor gortan ka galeyn doorashada qof iyo cod kana dalbaday…

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay kulan hoose la yeeshay guddi gaar ah oo Baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo ay soo gudbisay xukuumadda.

Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga u sheegay in aysan dowladdu wax wada-hadal iyo gorgortan ah ka geli doonin socod-siinta doorashada qof iyo cod, sidaas darteedna uu rabo in Baarlamanku sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan xeerka doorashooyinka.

Wararka ayaa xaqiijinaya in Siciid Deni uu guddiga ka dalbaday in la kala qaado doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamanka, islamarkaana doorashada madaxweynaha loo daayo 25 Feb 2024 tan Baarlamankana dib loo dhigo mudda laba sanno ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa, iyadoo magaalada Garoowe laga dareemayo xiisad ka taagan doorashada Puntland ee 2024, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah, inkastoo ay dadaallo nabadeed wadaan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka SSC oo Garoowe u yimid xal u raadinta arrintaas.

Mucaaradka madaxweyne Deni ayaa kasoo horjeeda qabashada doorasho qof iyo cod uu rabo madaxweyne Deni, halka maamulka Deni ay rabaan qabashada doorasho qof iyo cod , taas oo horseedi karta in muddo kororsi uu dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay Golaha cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Deni? (Magacyada)

Caydiid Ali

Ciidamada DF oo Duullaan ku ah labo deegaan iyo Shacabka oo loogu baaqay in ay ka baxaan

Cabdi Cade

Koox Burcad badeed ah oo afduubatay Markab laga leeyahay dalka Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---