Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo War culus kasoo saartay abaabulka dagaal ee ka socda Garawe

War-saxaafadeed kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa walaac xooggan looga muujiyay xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Garawe, taa oo u dhaxeysa mucaaradka iyo maamulka madaxweyne Deni.

Beesha caalamka warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in abaabulka dagaal iyo ciidamada magaalada jooga cabdi galinayaan shacabka, waxa ayna ku baaqeen in khilaafka siyaasadeed lagu dhameeyo wadahadal.

”Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro. Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa lagu yiri warka beeshga caalamka kasoo baxay.

War-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula soconayaan xaaladda Garawe, waxa ayna ku baaqeen in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda lana galo wadahadallo degdeg ah oo u dhaxeeya dhinacyada is khilaafsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerarka qorsheysan ee Xamaas oo fashil iyo waji gabax ku noqday Sirdoonka Israel

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ku daah furtay hey’ad ka cusub dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweeney wadatay Biskoolad ka sameesan Dahab oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---