Allbanaadir.com
NEWS

Xarunta Wasaaradda arrimaha Dibadda oo korontada laga jartay iyo Shaqadii oo istaagtay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saakay shaqadii ka socotay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya istaagtay, kaddib markii korontadii xarunta laga jaray.

Shaqaalaha wasaaradda oo saakay tagay xarunta ayaa loo sheegay in ay guryahooda ku laabtaan, kaddib markii korontada laga jartay dhismooyinkii iyo xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Shirkadda korontada galisay xarunta ayaa la sheegay in lacago badan oo is gaarsay ay soo dalacatay, waxaana markii lagu guuldareestay bixinta lacagtaasi oo aad u badan shirkadda go’aansatay in korontada ka jarto wasaaradda.

Dad badan oo howlo shaqo u tagay ayey layaab ku noqotay in xarunta wasaaradda arrimaha dibadda oo kamid ah wasaaraddaha ugu waa weyn uguna awoodda badan ee dalka lacag la’aan darteed korontada looga jartay.

Xarumo badan oo dowladda leedahay kuna yaalla magaalada Muqdisho ayaa sidan oo kale horey looga jaray korontada iyo biyaha, kaddib markii ay bixin waayeen lacagaha kirada ee korontada iyo biyaha xarumhaasi laga isticmaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Banaan bax balaaran ay ka qeyb galeen Masuuliyiin oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Koox hubeesan oo Hanjabaad culus hawada u marisay Dowlada Turkiga iyo Ciidankeeda

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada iyaga oo ka dhax dagaalamaya Saldhig Mareykanka ku leeyahay Kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---