Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biden oo sheegay in Gebogebo marayo heshiis u dhaxeeya Xamaas iyo Israel

Dowladda Qatar ayaa dhax dhaxaadin ka dhax wada ururka Xamaas iyo maamulka Israel, si loo joojiyo dagaalka iyo duqeymaha muddo bil ka badan ka socda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Xamaas iyo Israel ayaa heshiis ka gaaraya sii deynta maxaabiista gacanta ugu jira kooxda Xamaas, halka Israel iyana dhankeeda laga doonayo in ay joojiso dagaalka iyo duqeymaha ay ka wado magaalada Gaza iyo shuruudo kale.

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay inuu heer gabogabo ah marayo heshiis ay yeelanayaan Xamaas iyo Israel, waxa uuna muujiyay in heshiiska uu kasoo baxo natiijo wax ku ool ah.

Hogaamiyaha Xamas, Ismail Haniyeh, ayaa sheegay in kooxdiisa ‘ay u soo jawaabeen walaalahooda Qadar isla markaana ay ku dhowyihiin heshiis lagu joojinayo dagaalka’ sida laga soo xigtay warbaahinta Falastiin.

Wadahadlka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel ayaa ka socda magaalada Doha ee dalka Qatar, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo Israel kasoo saartay wadahadalkan la sheegay in ay la leedahay Xamaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha oo sii xoogeysanaya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Soomaaliya oo farriin u diray taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabelle

Cabdi Cade

Ciidamada DF oo mar kale xabsiga u taxaabay Cabdalla Axmed Muumin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---