Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Kenya oo Yurub u jooga si uu dadkiisa ugu soo helo 20 kun oo shaqo

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in uu hiigsanayo sidii dadka Kenyaanka ah ay shaqooyin uga heli lahaayeen dalka Jarmalka, xilli ay sii xumaaneyso shaqo la’aanta ka jirta dalkiisa.

Wuxuu sameeyay kulankan wax yar ka hor inta uusan u dhoofin Yurub shirka G20.

In ka badan toban hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa ku wajahan caasimadda Jarmalka ee Berlin, si ay u raadiyaan fursado dhaqaale, oo ay ku jiraan heshiisyo dhoofinta shaqada iyo kordhinta maalgashiga dhaqaalaha Afrika.

“Ra’iisul wasaaraha Jarmalka wuxuu joogay Kenya saddex ilaa afar bilood ka hor. Caawa waxaan u safrayaa Jarmalka sababtoo ah wuxuu noo balan qaaday in aanu heli doonno 200,000 oo shaqo. Waa inaan daba gal ku sameeyaa fursadahaas,” ayuu yiri Mr Ruto Axadii.

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, oo booqashooyinkiisii ugu dambeeyay ee Afrika ay ka mid ahaayeen safarro uu ku tagay Kenya iyo Nigeria, ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo kor u qaadida maalgashiga qaaradda, gaar ahaan macdanta muhiimka ah iyo qaybaha tamarta cagaaran.

Shirkan oo uu cinwaankiisu yahay Lifaaqa G20 ee Afrika , ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya dalalka Afrika iyo kuwa G20.

Saddex iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa barnaamijka qayb ka ah – Benin, Burkina Faso, Ivory Coast, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Masar, Itoobiya, Ghana, Guinea, Morocco, Rwanda, Senegal, Togo iyo Tunisia.

Madax ka socota dalal kale oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Kenya iyo Nigeria ayaa ka qeyb galaya munaasabadda oo marti ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Amniga oo iska fogeysay in uu la shaqeeyo Cabdullaahi Ganey

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo amaanay talaabo ay qaadeen shacabka Gaalkacyo

Caydiid Ali

Zelenskyy oo saacado gudahood saddex jeer booqday furumaha dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---