Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey shir caalami ah oo ka furmay London

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shirweynaha cunno yarida ee ka socda London oo looga hadlayay sidii loo sugi lahaa cuntada adduunka.

Xassan Shiikh ayaa kaga hadlay khudnadiisa  sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Shirkan oo ay wada qabteen Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Ingiriisku ayay isugu yimaadeen Dawlado, ururo caalami ah, saynisyahanno, hay’ado iyo ganacsato si looga arrinsado dhibaatada cuntada adduunka.

Raiisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo hadal ka jeediyay madasha ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshayaal lagaga hortagayo cunno yarida,

Waxaa uu sidoo kale sharraxay dhibaatooyinka ay sababtay isbedelka cimiladu ee ay kamid yihiin abaaraha, daadadka iyo cunno yarida.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA MADAXWEYNAHA

Related posts

Madaxa Ifrah Foundation & Wasiirad Khadiijo oo ka shiray diyaar garowga xuska 6da Febraayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Siciid Deni oo diyaarad Khaas ah ka raacaya Gaalkacyo iyo halka uu …

Cabdi Cade

Israel oo ku goodisay iney qaadeyso talaabo adag oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---