Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Xamse Barre kala hadlay Max’uud Sayid Aadan & Madaxda Gedo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Doolow kulan kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, maamulka Gobolka Gedo, maamullada degmooyinka iyo waxgaradka deegaanka.

Masuuliyiinran ayaa soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka.

Kulanka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Xamse Cabdi Barre oo maanta gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa ugu baaqay hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la garab istaago dadka ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’ay gobolka Gedo.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo lagu qasbay heshiisyadii ay la gashay Musharaxiinta Mucaaradka

Cabdi Cade

Baaris lagu bilaabay dad lagu tuhmayo dilkii loo geestay Nabadoon Cabdiqani Walloore

Cabdi Cade
Taboola Ads ---