Allbanaadir.com
NEWS

Saciid Ciise: “Waa nasiib daro in shacabka Muqdisho aysan si xor ah jidadka u mari karin”

Waxaa tixgelin mudan in la kala ogaado in jidgooyooyinka ka dhex jira wadooyinka Xamar ku dhex yaala iney yihiin kuwo lagu sugayo amniga oo baaris kadib ay dadku ku leeyihiin xurmad ay si xora ugu mari karaaan, iyo iney yihiin kuwo salka ku haya xukun Bandow ah oo dadka rayidka ah xoriyadda dhaqdhaqaaqooda lagu xakameynayo, taas oo bedelkeeda ay madaxda sare si gaara ugu ogolaaneyso in masuuliyiinta dowladda keliya loogu ogol yahay iney dhib la’aan ku maraan wadooyinkaas.

Waa nasiibdaro in shacabka degen magaalada Muqdisho ay ku jiraan Bandow aysan jidadka magaalada si xora ugu mari karin, waxeyna ay jidgooyooyin dhib badan ay u yaalaan jidadka ciidamo badan oo ay sumadoodu kala duwan yihiin, kuwaas oo habdhaqankoodu uusan ahayn mid u muuqda inuu yahay anshax wanaagsan oo amniga magaalada lagu sugayo, balse ka turjumaya iney tahay xukun Bandow ah ee lagu soo rogey shacabka rayidka ah, kaas oo lagu xakameynayo xoriyadda isku socodka dadka.

Askarta kala duwan oo ay jidgooyooyinku u yaalaan jidadka muhiimka u ah dhaqdhaqaaqa dadka ee magaalada Muqdisho ayaa waxey dadka rayidka ah ay weydiinayaan aqoonsi ciidan iyo mid ah xilhaynta masuuliyad dowladeed, intaas waxaa dheer inaad jidka ku martid oo keliya in damaanad uu kuu soo qaado masuul sare oo kaala hadla ciidanka ay jidgooyooyinku u yaalaan, waxeyna tilaabadaas ay meel ka dhac ku tahay wadaniyiinta rayidka ah oo xushmeynta xuquuqdooda meesha laga saaray.

Wadooyinka aada garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa qeybo ka mida xiray dayacdaro keentay in biyaha roobku ay si xoog leh u dhex fariistaan, taas oo hawlgab ka dhigtay adeegsiga mariinkooda, waxaana dhibaatadaastaas ka sii daran iney xanibaad xoog leh ay ka jirto halka wado keliya oo u furan in loo maro garoonka, taas oo dadka rayidka ah si baaxed leh loogu silciyo, iyagoo ay ciidankaas awoodooda ku meel marsanayaan adeegsiga laaluush, weji garasho, iyo heybsooc si dadkaas ay rabaan ay ugu ogolaanayaan marida wadada jayga ah.

Waaba yaabe yaa ciidankaas u jideeyey sharciyada ay caburinta ugu hayaan xuquuqaha iyo xoriyadaha muwaadiniinta rayidka ah oo ay xaqa ugu leeyihiin xoriyada isku socodkooda? Yaase xaq gaara sharci ahaan si gaara ugu siiyey madaxda dowladda keligood iney si xora u dhex maraan wadooyinka dhex mara magaalada Muqdisho, meesha shacabka rayidka ah loo diidey maridooda? Miyuusan habdhaqankaas ahayn mid meel ka dhac ku ah dowladnimada oo adeegeeda ka dhigaya mid ku soo koobaya oo keliya madaxda dowladda iyo qoysaskooda ama saaxiibadooda xukunka macriifada kula ah?

Meel ka dhacyada ay wadaan ciidanka jidadka lagu gooyey wuxuu dadka shacabka ah soo xasuusinayaa dhacdadii lagula kacay siyaasiyiinta madaxabanaan oo mucaaradnimadooda lagu bartilmaameysanayey xiligii xukunkii Farmajo, taas oo habdhaqanxumo aan suurad wanaagsaneyn u horseeday in lagula kaco madaxweyne Cali Mahdi Maxamed (AUN) ee uu Mw Farmaajo ku yiri haddii aad dooneysid inaad si xora magaalada jidadkeeda ku dhex martid waa inaad aqoonsi dowladeed leedahay si loola socdo dhaqdhaqaaqaaga.

Wiilal yar yar oo aan la barin sida ay ula tacaamulayaan masuuliyiinta rayidka ah ayaa jidadka maridooda madax ay uga dhigtay dowladda hadda jirta, waxeyna madaxdooda ku qufushey waxaan amarka madaxda ka sareeya ahayn ineysana maqlin, waxeyna taas ay u fududeysay iney si joogto ah u hor istaagaan gaadiidka u socda hoteelada muhiimka u ah siyaasiyiinta oo ay  shirarka ku leeyihiin ama ay kula kulmayaan madaxda dowladda, maadaama xafiisyada wasaaradahoodii ay noqdeen kuwo lama galaana oo shacabka iyo masuuliyiinta rayidka ahba ka wada xiran.

Xukuumadda hadda jirta waxey dantu biday oo ay ka badin weysey iney ciqaab wadareed Bandow ugu soo rogto shacabka madaniga ah oo ay marida jidadka ka xiratay, isla markaasna ay cadaabta caburintooda uga dhigaan mid wax weyn ka tareysa sugida amniga madaxda iyo hayadaha dowladda, sidaasna ay tixgelinta maslaxada gaar ahaanayd awgeed ay meesha uga saaraan mida guud ahaaneyd, waxeyna sidaas ay meesha uga saaraan xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin wadaniyiinta rayidka ah oo xoriyad ku socodkooda loogu bedeley cadaab ku noolaasho ay guryahooda ugu go’doonsanadaan.

Marka ay shacabka rayidka ah ay qoysaskoodu rabaan iney aadaan goobaha dalxiiska sida xeebaha ayaa waxey ciidankaas kala kulmaan kadeed iyo marar badan in dib looga celiyo meelaha ay farxada kula qaadan lahayeen qosaskooda, waxaana sidoo kale dhacda in sidaas si la mida ay ciidankaas silaca iyo saxariirba kala kulma dadka musaafarka ah ee u socda garoonka diyaaraadaha Aden Cade oo ay dadkaas ku dhacdo intooda badan iney ku dhex lugeeyaan jidadka ciqaabta iyo cadaabta badan oo ay u marayaan aadida garoonka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay ahayd waajibaadkeeda iney soo farageliyaan wax ka qabadka ku xadgudubka ay ciidamadaas ku hayaan xuquuqaha iyo xoriyadaha shacabka oo ay dadku xaq ugu leeyihiin iney si nabada ay jikaar la’aan ku maraan wadooyinka ku dhexyaal Muqdisho, ayaan wax tilaabo ah ka qaaadin gudashada doorkeeda ku aadan xilka ka saaran iney xal u hesho masuuliyada ka saran wax ka qabashada arrimaha gudaha oo ku saabsan cabashada dadku ay ka qabaan xoriyad ugu socod la’aanta gudaha Muqdisho.

Dhibaatooyinkaan ay dadku uga cabanayaan ku dhex socodka magalada Muqdisho oo ay ku dhex nool yihiin ayaa ah caqabad soo jirtey saddexdii xukuumadood ee dalka ugu dambeysey, waxeyna dhibaatadeedu gaartey meesha ugu xun xiligii xukuumada Mw Farmajo ay dalka ku xukumeysey cabsigelinta ay dadka u adeegsaneysey cududa xoogga ciidankeeda, waxeyna taas bedelkeeda ay muwaadiniintu ka rajeynayeen dowladda hadda xilka haysa iney isbedel ku sameyso caqabadaas mahadhada ku reebtay shacabka rayidka ah iyo masuuliyiinta raaciyada ah.

Isbedel la’aanta ka muuqata xukuumadda hadda jiirta oo ay ahayd iney si xushmad leh wax uga qabato caqabada ay ciidamada amniga sugaya oo jidgooyooyinka ka dhex sameystay wadooyinka waaweyn ee halbowlaha u ah isku socodka dadka, ayaa waxey tilmaan buuxda ka bixinayaa sida ay isgu muqaal eg yihiin oo habdhaqankoodu aysan wax badan ugu kala duwaneyn marka laga fiiriyo dhanka wax ka qabadka arrimaha gudaha ee xukuumadda hadda jirta iyo midii ka horeysey ee Mw Farmajo.

Waxey ahayd in ciidanka sugaya amniga xooggiisa loo badiyo jidadka dibeda ka soo gelaya Muqdisho, isla markaasna jidadka ku dhex yaala gudaha Muqdisho laga qaado dhamaan jidgooyooyinka ciidanka iyo kuwa dhagaxda ah oo sabab u noqday caqabad dhibaato weyn ku ah badqabka arrimaha bulshada ee dadka ku dhex nool caasimada Muqdisho, waxeyna haddii ay sidaasi dhacdo ay taasi horseedi kartaa in Xamar gudaheeda ay dadku ku dareemaan inaysan gudaha magaaladooodu ahayn fariisimo xerooyin ciidan, balse taas bedelkeeda ka dhigeysa Muqdisho iney tahay magaalo madaniya oo ay degen yihiin shacab rayida oo aan u baahneyn iney sii ahaato magaalo ciidan oo cabsi xoog leh gelisa shacabkeeda rayidka ah.


Dr. Saciid Ciise Maxamud 
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka 
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Waa sidee xaalada Netanyahu ka dib Qaliinkii uu maray

Caydiid Ali

William Ruto oo Shaaciyay Arrimo uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala shaqeyn doono

Cabdi Cade

Dowlada oo War kasoo saartay Qaraxyadii iyo Madaafiicdii caawa laga maqlay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---