Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Israel oo duqeeyey Isbitaal kale & dad badan oo ku dhintay

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay ka dib markii taangiyada Israel ay madfac ku dhufteen isbitaalka Indonesia ee waqooyiga Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas, oo ay maamusho Xamaas.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah bukaanno lagu daweynayo isbitaalka iyo xubin ka tirsan shaqaalaha caafimaadka, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Wariye Falastiini ah oo lagu magacaabo Anas al-Shariif oo ku sugan gudaha isbitaalka ayaa CNN u sheegay in taangiyada Israel ay ku sugan yihiin bannaanka albaabka isbitaalka weyn iyo sidoo kale goobo kale oo ku dhow isbitaalka.

“Waxaa nalagu dab saaray isbitaalka Indonesia, waxaana ku go’doonsannahay gudaha,” ayuu yiri.

Muuqaal kooban oo ay la wadaagtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulka Falastiin ayaa muujinayay shaqaalaha caafimaadka ee xarunta ku jira oo caawinaya nin dhaawac ah oo dhulka yaalla, halka nin kalena uu hayo tuubo sifeyn ah oo ka laadlaad burburka.

Korontadii ayaa u muuqata mid go’day, saqafkana si xun u burburay.

Milatariga Israa’iil ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan goobo gaar ah oo ay ku wahaan yihiin howlgallada dhulka ee Gaza subaxnimadii Isniinta, laakiin waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka ay dileen saddex taliye oo ka tirsan Xamaas.

Wax yar ka hor, agaasimaha isbitaalka, Dr Marwan Al-Sultan ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay u jiraan dhismaha 20 tillaabo. Sidoo kale wararka ayaa sheegayay in rasaas laga maqlayay agagaarka isbitaalka.

Related posts

Xanuun cusub oo lagu arkay dalka Uganda iyo dadkii uu ku dhacay oo geeriyooday

Cabdi Cade

Koox dhac xirfadeysan ka geysan jirtay Muqdisho oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan baxyo lagu taageerayo Alexei Navalny oo ka socda dalka Ruushka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---