Allbanaadir.com
NEWS

Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shirkadda dhismaha ee Bulsho oo la fashiliyay

Ciidanka hoggaanka baarista dambiyada ee dowlad goboleedka Puntland  ayaa maanta ka hor tagay dhagar ay kooxda Daacish u soo maleegeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Booliiska Puntland ayaa la sheegay in ay fashiliyeen qarax nuuca miinada ah  oo kooxda Daacish dooneysay iney ku dhibaateyso shaqaalaha shirkadda dhismaha ee Bulsho ee kutaalla magaalada Boosaaso.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale wada howlgalo ay ku raadinayaan kooxdii ka dambeysay qaraxa miino ee la fashiliyay, waxa ayna saraakiisha ammaanka sheegeen in gacan adag ku qaban doonaan kooxaha doonaya in ay shacabka dhibaateeyaan.

Kooxda Daacish ee ka dagaallanta deegaannada maamulka Puntland ayaa lacago baad ah ka qaadata qaar kamid ah shirkadaha ka howlgala deegaannada maamulkaasi, waxa ayna dhibaateeyaan ganacsatada iyo shirkadaha qaar ee diida in ay bixiyaan lacago baad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada wax ka beddel ku sameeyay xeerka habka ciqaabta Soomaaliya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Villa Soomaaliya kala qeybisay siyaasiiinta Mucaaradka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---