Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Garawe iyo wafuud kusii jeeda

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in saakay xaalada magaaladaasi ay degan tahay, waxaana magaalada qeybo kamid ah wali ka socda barakac ay dadka shacabka ah sameenayaan.

Magaalada Garawe ayaa shalay si weyn looga dareemay cabsi iyo xaalad dagaal, kaddib markii magaalada soo galeen ciidamo cusub oo taabacsan siyaasad ahaan madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Shacabka degan qeybo kamid ah magaalada Garawe ayaa shalay inta badan magaalada isaga qaxay, iyaga oo ka cabsi qaba in labada ciidan ee iska soo horjeeda ay ku dagaallamaan korkooda.

Xaalada magaallada Garawe ayaana saakay ah mid degan, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in labada ciidan ee iska soo horjeeda kuna sugan magaallada in ay isku dhacaan ayna xaalada faraha ka baxdo.

Dhinaca kale wafdi odayaal dhaqmeed iyo salaadiin kasoo jeeda gobolka Sool iyo deegaanno kale ayaa kusii jeeda magaalada Garawe, wafdigan ayaana doonaya in xal u raadiyaan xisaada colaadeed ee ka taagan magaalada Garawe.

Xiisada ka taagan magaalada Garawe ayaa ka dhalatay khilaafka dhinaca doorashada ee u dhaxeysa maamulka madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxa ayna labada dhinac isku hayaan nuuca doorasho ee la qabanayo iyo waqtiga ay dhaceyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Lafta Gareen oo maanta sidii Qoor Qoor loogu soo dhaweeyay Muqdisho !!

Cabdi Cade

Siyaasi Caan ah oo Shaaciyay cidii fududeesay Weerarkii Xabsiga Dhaxe iyo Ujeedka laga lahaa

Cabdi Cade

Dowladda Somalia oo dalka ka mamnuucday hey’ad caan ah (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---