Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay roobabka xooggan ee fatahaadaha wata ee ka da’ay qaar kamid ah gobolada dalka, kuwaa oo dhibaatooyin kala duwan kasoo gaareen dad badan oo Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa sheegay in dhibaato mudan in loo istaago ay soo food saartay kumannaan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug, dhibaatadaas uu sheegay in ay sababeen daadadka ku rogmaday gobolladaasi uu tilmaamay.
Farmaajo ayaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay dunidda ka joogaan in ay u istaagaan sidii ay u gar gaari lahaayeen waxna ugu tari lahaayeen walaalahooda dhibaatada kasoo gaartay fatahaada.
”Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan” ayuu yiri Farmaajo.
Farmaajo ayaa ugu dambeyn ku baaqay in loo hoggaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah, waxa uuna tacsi u diray dadka ehelkooda ku dhinteen fatahaadyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com