Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/Shakuur oo dhaliilay qorshe uu wado Madaxweyne Xassan Shiikh

Xildhibaan Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame oo ka tirsan Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa si aan toos aheyn u dhaliilay qorshe uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh oo ah dowladu ka guurto nidaamka baarlaamniga ah ee Madaxweyne iyo Raisul Wasaare, loona guuro Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Qoraal uu baraha bulshada Soo dhigay Xildhibaan Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame oo arintan lagu durayo ayaa sidan hoose ku bilowday.

Soomaaliya saddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray.

1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga ahayd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, waxaa afgambiyey askarta.

2-Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyo  ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey.

3- Jamhuuriyaddii Saddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuuti  waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay.

Haddaba, hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay.

Soomaali waxay ku maahmaadaa “Wixii umusha u roon ayaa ilmahana u roon”

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo War kasoo saaray Xil ka qaadistii lagu Sameeyay Fahad Yasin

Cabdi Cade

(Akhriso) Jawaari oo ka hor yimid shaqo joojintii C/wali Muudey ku sameeyey Xoghayaha Baarlamanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---