Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta Yemen oo afduubtay Markab xamuul ah & Israel oo ka hadashay

Israa’iil ayaa sheegtay in markabka xamuul ah oo ay saarnaayeen 25 shaqaale ah lagu afduubay badda cas maanta.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay qabsadeen markabka. Markabkan ayaa waxaa iska leh shirkad laga leeyahay dalka Britain, waxaana gacanta ku haysa shirkad laga leeyahay dalka Japan, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil oo aan faahfaahin ka bixin shirkadahaas.

Markabkan ayaa ka ambabaxay dalka Turkiga, isagoo ku sii jeeday dalka Hindiya, waxaana ka shaqaynayay dad rayid ah oo dalal kala duwan ka soo jeeda oo aanay ku jirin Israa’iiliyiintu. Ma aha markab ay leedahay Israa’iil,” ayay Israel ku tiri hadal ay soo saartay.

Kooxda Xuutiyiin Yemen kama hadlin arrintan oo ku soo aaday xili kooxdan ay ku hanjabtay iney ugaarsan doonaan maraakiibta laga leeyahay Israel ee maraya badda cas iyo gacanka Babal Mandab.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta Israel ay uha hadashay afduubka Markabkan markii aysan laheyn, Shaqaalaha saarana aysan ku jirin Israa’iliyiin.

Xuuthiyiinta ayaa ah urur siyaasadeed iyo mid militari oo ah Shiicada ka dagaalanta dalka Yemen oo dagaal kula jiray xulafada uu Sacuudiga taageero.

Waxay taageero u muujiyeen Falastiiniyiinta, waxayna abaabuleen mudaaharaadyo ka dhacay Yemen, oo looga soo horjeedo weerarka Israel ku hayso Gaza.

Related posts

Dowlada Somalia oo xaqiijisay iney dhalatay bisha Ramadaan, berina la soomayo

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada maamulka Puntland oo maanta Go’aano xasaasi soo saaray

Cabdi Cade

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku bur burtay garoonka Diyaaradaha Xudur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---