Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wasiir Jamaal oo ku guuleestay in uu kamid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka

Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta ku guuleestay doorashada kursi ka banaanaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo doorashadiisa ka dhacday magaalada Garawe.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka guuleestay Musharaxii la tarmayay , waxa uuna helay 49-cod ,halka Musharaxii la tartamayay Maxamuud C/llaahi Maxamed oo ahaa Malxiis uusan helin wax cod ah.

Horey ayaa loo saadaalinayay in doorashada kursigan uu kusoo bixi doono Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, waxaana kursigan Xidhibaankii iska casilay lagu abaal mariyay in uu noqdo Qunsul.

Wasiir Jamaal ayaa kamid noqonaya Xildhibaanada katirsan Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna Wasiirkan kamid yahay xubnaha aadka ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ahlu Sunna oo soo saartay Habraaca Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa !

Cabdi Cade

Iran oo warbixin ka soo saartay baaritaanka dilkii Haniya

Caydiid Ali

Waddo xiriirisa sadex degmo oo kutaala Muqdisho oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---