Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) WHO oo Sodomeeyo caruur dhicis ah ka soo saartay Isbitaalka Al-Shifa

Isugeyn 31 carruur ah oo dhallaan Dhicis ah ayaa laga daadgureeyay Isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Gaza iyadoo ay wehliyaan lix shaqaale caafimaad sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Dr. Tedros Adhanom.

Tedros wuxuu ku sheegay qoraal uu ku soo qoray bartiisa X in carruurta aad u xanuunsanaya la geeyey Isbitaalka Hooyada ee Emirates ee Rafah, ee koonfurta Gaza, halkaasoo ay ka helayaan daryeel qaybta gargaarka degdegga ah ee dhallaanka.

“Hawlgal dheeraad ah ayaa la qorsheynayaa in si degdeg ah bukaannada haray iyo shaqaalaha caafimaadka looga saaro Isbitaalka Al-Shifa, iyadoo la sugayo dammaanad qaadka dhinacyada is haya ay si badbaado leh uga gudbaan,” ayuu raaciyay.

Mar sii horreysay, ilo ka tirsan dawladda Masar ayaa warbaahinta sheegay in in ka badan labaatan carruur ah oo dhallaan ah laga soo saaray Al-Shifa.

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay Axadii in shaqaalaheeda ambalaasta, oo ka garab shaqeynayay WHO iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA), “ay awoodeen inay 31 carruur ah oo dhicis ah ka soo saaraan Isbitaalka Al-Shifa.

Israa’iil waxay weerartay Isbitaalka Shifa oo ah kan ugu weyn Gaza Arbacadii, halkaasoo kumannaan Falastiiniyiin ah oo barakacay ay kula hoyanayeen bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka.

Dhakhaatiirta weli ku sugan isbitaalka ma daweyn karaan bukaanada duqeymo culus oo dhacay usbuucii la soo dhaafay. Shidaal yaraan iyo koronto la’aan ayaa ka dhigan inay awoodi waayeen inay caawiyaan dhallaanka. Bukaannada ICU iyo dhowr carruur ah oo dhashay oo ku sugan Al-Shifa ayaa dhintay maalmihii la soo dhaafay.

Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in Xamaas ay dhismaha isbitaalka u isticmaalayso arrimo militari ayna ka dhistay xarun talis  eedeymahaasoo ay si isdaba joog ah u diideen Xamaas iyo saraakiisha isbitaalka

Related posts

Qarax la galiyay Guriga Musharax Cabdirashiid Xidig oo goordhaw la fashiliyay

Cabdi Cade

Wiil Soomaali ah oo abaal marin dahabi ah lagu guddoonsiiyey dalka Norway

Caydiid Ali

Maxaa kasoo kordhay kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka yeelan lahaayeen ?

Cabdi Cade