Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah u sameeyay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Maj Gen (Rtd) Thomas Chepkuto.
Safiirka ayaa dhameystay muddo xileedkiisa danjirimo ee uu dalkiisa uga wakiilka ahaa Somalia isagoo fadhigiisu ahaa magaalada Muqdisho
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maj Gen (Rtd) Thomas Chepkuto ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ah adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya iyo gudashada waajibaadkiisa wuxuuna xusay in dowlada Somalia ay ku faraxsan tahay sida uu daacadnimada leh ee shaqadiisa u dhameystay.
Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen  Thomas Chepkuto ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo guud ahaan dowlada Somalia sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu dalkiisa u joogay Muqdisho.
Kenya ayaa lagu wadaa iney dhowaan safiir cusub u soo magacowdo Somalia kaasoo bedelaya Safiirka waqtigiisu dhamaaday ee u fadhiyay Soomaaliya Maj. Gen  Thomas Chepkuto oo maalmaha soo socda ku laabanaya dalkiisa.