Allbanaadir.com
NEWS

Bulshada Rayidka Puntland oo si adag uga hadashay xiisada dagaal ee ka taagan Garawe

Magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa maanta oo Axad ah ka taagan xiisad dagaal, taa oo u dhaxeysa ciidamada daacada u ah maamulka madaxweyne Deni iyo ciidamada kale ee taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka .

Hoggaamiyaasha bulshada rayidka ee xaruntooda tahay magaalada Garawe oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa kasoo horjeesray xiisada dagaal ee ka taagan Garawe iyo abaabulka ay wadaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Qaar kamid ah saraakiisha bulshada rayidka oo warbaahinta la hadlay ayaa eedeyn kulul u jeediyay siyaasiyiinta iska soo horjeeda, waxa ayna sheegeen in markii horaba aysan bulshada wax weyn kusoo kordhin haddana colaad abuur ka shaqeenayaan.

Gudoomiyaha daladda ururrada bulshada rayidka ee Puntland Cabdiraxmaan Cabdirisaaq  ayaa sheegay in ay ka digayaan colaad ka dhacda magaalada Garawe, waxa uuna sheegay in aysan diyaar u aheyn in ay arkaan waxii horey uga dhacay Boosaaso iyo Garawe oo kale.

“Ma dooneyno in aan mar kale goobjoog u noqono wixii ka dhacay Boosaaso 2021 kii, wixii ka dhacay Garoowe 2023, ficiladaas oo aan lagula xisaabtamin dad kii gaystay. Qoysas dhan ayaa ubad koodii, kuwii ay jeclaayeen lixaadkoodii iyo maalkoodii ku waayay. Dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayay wiiftadu ku dishay goobahooda ganacsi 2019-kii, waxa nasiib darro ah inta badan ehellada dadkaas aan lala qaybsan dhibta ku dhacday, loogana garaabin wixii gaaray” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdirisaaq

Bulshada rayidka Puntland ayaana ugu baaqay siyaasiyiinta iyo dhinacyada iska soo horjeeda ee ku lugta leh xiisada ka taagan magaalada Garawe in bulshada u turaan, waxa kale oo ay ugu baaqeen in khilaafka u dhaxeeya wadahadal ku dhameeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa Laga Ogyahay Sababihii Sheekh Shariif uu Ku Lumiyay Kursiga Madaxweynaha?

Cabdi Cade

DF oo shaacisay tirada kiisaska cusub ee cudurka COVID-19 iyo dad ka bogsaday

Caydiid Ali

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---