Allbanaadir.com
NEWS

Shir looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka dalka oo furmay (Sawirro)

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya kaas oo daba socda heshiiskii [GWQ]ee May 2023.

Kulankaan waxaa goob joog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, Ururrada Siyaasadda iyo bulshada rayidka ah kuwaas oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Ahmed Moallim Fiqi, oo kulankaan ka hadlay ayaa kaqeybgalayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wadatashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo ee ah in la gaar siiyo qof iyo cod si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey

Ugu dembayntii Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Duleedka Xudur

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiye Aadan Madoobe oo fasaxay 15 xildhibaan oo horey loo ganaaxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---