Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in ay xirmeen qaar kamid ah garoomada diyaaradaha ee dalka

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS  Xil.Ismaaciil Abdirahman Sh.Bashir oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qaar kamid ah garoomada diyaaradeed ay u xirmeen daadadka roobka, iyadoo laga cabsi qabo inay dumaan buun-dooyin hor leh.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay roobka uu sameeyn xooggan kuyeeshay kaabayasha dhaqaale ee ay kamid yihin waddooyinka, garoomada iyo buundooyinka,waxaa u tilmaamay in ay xiranyihin oo burbureen garoomada Baardheere iyo Dowlow,sidoo kale ay go’day buundadii Baardheere.

Galmudug ayuu sheegay waddooyinka qaar uu roobka sameeyay, waxaa go’day buundada Saqiiro oo kutaal wadada isku xirto Hobyo iyo Gaalkacyo ayuu shegay in ay ku bur-burtay roobabkii halkaa ka da’ay

Sidoo kale wasiirka ayaa inta hadalkisa ku daray in Hirshabeelle uu sameeyay roobabka iyo fatahaada islamarkana ay go’day waddada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho waxa tilmaamay inuu xirmay oo ay Biyo fadhiyaan garoonka diyaaradaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Gobollada koonfur Galbeed iyo Puntland ayuu si lamid ah sheegay in roobka uu khasaaro u geysatay,waxa uuna ugu dambeyn hay’adaha iyo dhammaan shacabka soomaaliyed ugu baaqay in loo gurmado qoysaska ay roobka uu sameeyay dowladuna ay waddo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay daadadka iyo fatahaadaha ka dhasahy roobka deyrta oo ka curtay guud ahaan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo gaar ah oo ilaalinaya amaanka Axmed Madoobe inta uu joogo Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Meydka haweeneydii labaad ee Israaiili ah oo laga helay Dhisme ku yaalla Gaza

Caydiid Ali

Shir Muhiim ah oo Rwanda uga furmay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---