Allbanaadir.com
NEWS

Xog Xasaasi ah oo ku aadan kulan qarsoodi ah oo dhax maray Xasan Sheekh iyo Laftagareen

Shir aan la shaacin ayaa habeen hore wuxu Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Warbaahinta looma soo bandhigin kulanka labada nin iyo waxyaabaha looga hadlay, balse illo wareedyo sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo hirgalin lahaa qodobada ku jiray heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ee la gaaray May 2023.

Qodobada sida gaarka ah diiradda loo saaray waxa kamid ah kuwa saameynaya dastuurka kmg ah ee Soomaaliya oo ay kamid yihiin u guuridda nidaamka madaxtooyo ee meesha ka saaraya jagada ra’isul wasaaraha iyo in dalku yeesho labo xisbi oo kaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ol’ole weyn ugu jira sidii Barlamaanka Soomaaliya u dhaqan galin lahaa qodobada wax ka badalka dastuurka ee ku jiray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay bishii may ee sanad kan 2023.

Madaxweyna Laftagreen oo ka duulaya kulanka uu Madaxwene Xasan Sheekh la yeeshay ayaa Baydhabo isugu yeeray xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed si uu ugu qanciyo in ay taageeraan qodobada wax ka badalka dastuurka.

Shirka Laftagareen iyo xildhibaannada ayaa la filayaa in uu beri ka dhaco Baydhabo.

Lama oga inta ay la egtahay taageerada uu Laftagareen uga heli doono ol’olihiisa uu doonayo in xildhibaannadu ku taageeraan wax ka badalka qodobo kamid ah dastuurka kmg ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska NISA oo soo saaray digniin la xiriirta khilaafka siyaaadeed ee Madaxda DF

Caydiid Ali

Maxkamad 66 jir Soomaali ah ku heshay inuu si arxan daro ah u dilay xaaskiisa

Caydiid Ali

Safiirka UK u fadhiya Muqdisho oo talooyin Muhiim ah siiyey madaxda Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---