Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo goordhaw lagu fuliyay ninkii dilay Cabdullaahi Cali Hudey

Waxaa goordhaw magaalada Guruceel ee gobolka Galgaduud lagu toogtay dable katirsanaa ciidanka NISA oo lagu magacaabayay Cabdisalaan Cali Axmed, kaa oo horey magaalada Guriceel ugu dilay Cabdullaahi Cali Hudey.

Askarigan xukunka dilka ah goordhaw lagu fuliyay ayaa maalmo kahor waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaddib markii lagu helay dambigii dilka ahaa ee lagu soo eedeeyay.

Gacankudhiiglahan goordhaw la toogtay ayaa si bareer ah labo isbuuc kahor magaalada Guriceel ugu dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Cali Hudey oo la dhashay taliyaha booliiska saldhigga degmada Guriceel.

Dadka ku dhaqan Guriceel ayaa horey uga dalbaday laamaha caddaaladda in ninka dilka geestay la geeyo tiirka lana toogto, waxa ayna tilmaameen in toogashada xal u noqoneyso dilalka micno darrada ah ee dadka loo geesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Iran oo laga helay Cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

James Swan iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kawada hadlay arimo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin katirsan Al Shabaab oo la qabtay xilli uu doonayay in uu dhuumaaleysi ku…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---