Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

WHO oo booqatay Isbitaalka Al-Shifa (Xaalad argagax leh oo ay ku soo arkeen)+Sawirro

Koox ka tirsan shaqaalaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa booqday Isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Gaza Sabtidii, Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku sheegtay  qoraal ay soo dhigtay X.

Kooxda ayaa muddo hal saac ah ku qaatay gudaha isbitaalka, xilligaasoo uu dagaal culus ka socday meel u dhow xarunta, ayay WHO sheegtay.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa isbitaalka ku tilmaamay “Aagga dhimashada” halkaasoo “calaamadaha duqeynta iyo rasaasta” ay ka muuqdaan.

“Kooxdu waxay arkeen xabaal-wadareed halka laga soo galo isbitaalka, waxaana loo sheegay in ka badan 80 qof ay ku aasan yihiin halkaas,” ayaa lagu yiri.

WHO ayaa sheegtay in bukaano dhowr ah ay u dhinteen labadii ilaa saddex maalmood ee la soo dhaafay sababo la xiriira adeeg la’aan caafimaad.

“Waxaa Al-Shifa ku haray 25 shaqaale caafimaad ah iyo 291 bukaan ah, iyadoo dhowr bukaan ay u dhinteen labadii ilaa saddex maalmood ee la soo dhaafay sababo la xiriira xiritaanka adeegyadii caafimaadka,” ayaa lagu yiri warka WHO

Waxay intaas ku dartay: “Bukaannada waxaa ka mid ah 32 carruur ah oo ku jira xaalad aad u daran, laba qof oo ku jira qeybta daryeelka degdegga ah (ICU) oo aan hawo lahayn, iyo 22 bukaan oo kelyo sifeyn ah kuwaasoo helitaankooda daaweynta nafaha lagu badbaadinayoaan heli karin.”

Shaqaalaha iyo bukaannada la hadlay shaqaalaha Qaramada Midoobay waxay “ka argagaxeen ammaankooda iyo caafimaadkooda,” ayay tiri WHO, iyadoo raacisay inay “codsadeen daad-gureynta.”

WHO ayaa sheegtay in ay si degdeg ah u horumarinayso qorshayaal lagu daadgureynayo shaqaalaha iyo bukaannada laba isbitaal oo ku yaalla koonfurta Gaza.

“Inta badan bukaannada ayaa ah dhibanayaal qaba dhaawacyo dagaal, oo ay ku jiraan kuwo badan oo qaba dhaawacyo isku dhafan iyo kuwo la gooyey xubno jirkooda qeybo ka mid ah, dhaawacyo madaxa, gubasho, laabta iyo caloosha, iyo 29 bukaan oo qaba dhaawacyo halis ah oo laf dhabarta ah oo aan awoodin inay dhaqaaqaan iyaga oo aan helin gargaar caafimaad,” ayay tiri WHO.

Israa’iil ayaa bilawday hawlgal ka dhan ah Xamaas subaxnimadii Arbacada  gudaha Isbitaalka ugu weyn Gaza , halkaasoo kumanaan Falastiiniyiin ah oo barokacay ay gabaad ka dhigteen bukaannada iyo shaqaalaha caafimaadka.

Israa’iil ayaa ku andacoonaysa in Xamaas ay dhismaha isbitaalka u isticmaalayso arrimo militari ayna ka dhistay xarun talis hoos timaada xarunta – eedeymahaas ayey si isdaba joog ah u diideen Xamaas iyo saraakiisha isbitaalka. iyadoo ciidamada Israiil oo dhowr maalmood ku sugan gudaha isbitaalka aysan illaa keenin cadeymo buuxa oo ku saabsan godad Xamaas ku leedahay Isbitaalka hoostiisa.

Maalmihii u dhexeeyay ayaa la arkayay in isbitaalku uu ka soo noqday goobtii rayidka oo uu u wareegay goob dagaal oo ay dagaallo culus ka dhaceen gudaha iyo hareeraha xarunta, iyadoo ay jirtay xaalad bani’aadamnimo oo awalba si xowli ah uga sii dareysay.

Israa’iil ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo isa soo taraya si ay u caddeyso sheegashooyinkeeda ku saabsan gelitaanka isbitaalka, si ay marmarsiiyo uga dhigto qaar ka mid ah go’aannadeeda milatari, taasoo haddii kale noqon karta xadgudub halis ah oo suurtagal ah sharciga caalamiga ah ee  bini’aadantinimada.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

Related posts

Aqalka Senateka Maraykanka oo Trump ka difaacay dacwadii lagu soo oogay

Caydiid Ali

Darajada Sarreeye Guuto Oo Loo Xiray Gabadhii Ugu Horreysay Ee Soomaaliyeed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo War kasoo saaray xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---