Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirrada oo caawa kulan deg deg ah yeeshay iyo qodobada looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.

Hindisaha-sharci ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah iyo howlgallada lagu xasillinayo dalka.

Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.

Related posts

(Sawirro) Sarkaal Boolis ah iyo dad kale oo lagu dilay weerar ka dhacay Mareykanka

Caydiid Ali

Dad isku qoys ahaa oo ku naf waayey madaafiic lagu weeraray degaanka Camaara

Caydiid Ali

Wararkii ugu Dambeeyay Doorashada dalka Mareykanka iyo Joe Beden oo guul sheegtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---