Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Israaiil oo duqeyn cirka ah ku ku xasuuqday falastiiniyiin 30 ka badan

Diyaaradaha Israel ayaa duqaymo ay ku dileen ugu yaraan 32 Falastiiniyiin ah ka geystay degaanka Khan Yonis ee Konfurta marinka Gaza sida ay sheegeen dhakhaatiirta, saacad ka dib markii Israa’iil ay mar kale uga digtay dadka rayidka ah inay guuraan iyagoo isku diyaarinaya weerar dhulka ah oo ay ku qaadaan Xamaas.

Weerarada noocan oo kale ah ayaa ku qasbi kara boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ka qaxay woqooyiga Gaza ay mar kale guuraan, dadka deggan Khan Younis oo ah magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 400,000, ayaa amarkan lagu siiyey iney guuraan waxay sii kordhinaysaa dhibaato bini’aadantinimo oo daran.

Israa’iil ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamaas ee ka talisa marinka Gaza ka dib markii ay 7-dii Octobar weerar ku qaadeen Israa’iil halkaas oo ay dagaalyahanadeedu ku dileen 1,400 oo qof ayna 240 lahayste ka soo wateen.

Tan iyo markaas, Israa’iil waxay duqeysay inta badan magaalada Gaza si ay u burburiso, waxay amartay in la baabi’iyo qaybta waqooyi ee marinkaas waxayna barakicisay saddex-meelood laba meel 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah. Qaar badan oo ka mid ah kuwa qaxay ayaa ka baqaya hoy la’aantooda ay noqoto mid joogto ah.

Maamulka caafimaadka Gaza ayaa tirada dhimashadda Jimcihii ka dhigay in ka badan 12,000, oo ay ku jiraan 5,000 oo carruur ah. Qaramada Midoobay ayaa tirooyinkaas u aragta kuwo la aamini karo, inkastoo hadda si aan badnayn loo cusboonaysiiyo iyadoo ay ugu wacan tahay dhibaatada ururinta macluumaadka.

Habeenimadii Sabtida, 26 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 23 kalena waa lagu dhaawacay weerar cirka ah oo lagu qaaday laba guri oo ku yaal dhismo dabaqyo badan ah oo ka tirsan degmo mashquul badan oo lagu magacaabo Khan Younis, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Eyad Al-Zaeem ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uu ku waayay eedadiis, caruurteeda iyo caruur ay ayeeyo u tahay duqeynta dhanka cirka ah ee ka dhacday Khan Younis, waxaana uu sheegay in dhamaan looga soo daadgureeyay waqooyiga Qaza amarka ciidamada Israel ayna ku dhinteen halkii uu ciidanku u sheegay in ay ku badbaadi karaan.

“Dhammaantood waa shahiideen. Wax lug ah kuma lahan iska caabinta (Xamaas),” ayay tiri Zaceem, oo taagan bannaanka qolka meydka ee Isbitaalka Nasser ee Khan Younis halkaas oo 26 meyd ah la dhigay.

War ka soo baxay militariga Israa’iil sabtidii laguma soo hadal qaadin goobaha la duqeeyay. Waxa ay sheegtay oo kaliya in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay ciidamadeeda cirku duqeeyeen tobanaan bartilmaameed oo Qasa ah oo ay ku jiraan xarumaha taliska xamaas, goobaha laga soo tuuro gantaalada iyo warshadaha rasaasta sida ay hadalka u dhigeen hase ahaatee ilo madax banaan ayaa sheegaya in goobaha la duqeeyey ay ku noolaayeen dad rayid ah.

Kaaliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku booriyay dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta Jimcihii inay ka guuraan meel ka fog Khan Younis iyadoo ciidamada Israa’iil ay tahay inay u soo gudbaan magaalada si ay uga saaraan dagaalyahannada Xamaas.

Horumarka Israel ee koonfurta Gaza ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid aad u adag oo ka dhimasho badan waqooyiga.

Wakiilka Xamaas ee fadhigiisu yahay Beirut Osama Hamdan ayaa sheegay in weerarka maanta lagu qaaday degaanka Khan Yonis uu cadeynayo in aysan jirin qayb ka mid ah Gaza oo nabdoon.

Israa’iil waxa ay sheegtay in aagga koonfureed ee Marinka Qaza ay ka nabad qabaan duqeymaha, balse waxaa cad ayuu yiri in ciidamadeedu aysan kala saareynin labada qeybood..

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

P

 

Related posts

Fadeexad soo wajahday Garsoore uu Trump u magacaabay Maxkamada sare

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Raisul Wasaare khayre oo ka qeyb galay kulan muhiim ah oo ka dhacay Xerada Afisiyooni

Caydiid Ali

Laftagareen & wafdi uu horkacayo oo si weyn loogu soo dhoweeyey Xudur (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---