Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xasan Shiikh oo guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka.

Waxaa shirkan  looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir  u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, iyadoo sidoo kale lagu dhiirri geliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo al-shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dowlada Somalia oo qorshe cusub ka bilowday Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Banaan bax sanad ka badan socday oo Cudurka Caronavirus owgiis u joogsaday !!

Cabdi Cade

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---