Koofurta Soomaaliya waa meel ay tacadiyo waaweyn ka geystaan xagjiriinta, sidaas oo ay tahayna ayey inta badan ku qanacsan yihiin gaboodfalkooda iyo xukunkooda bahalnimo, waxeyna isla markaas ay degaanadoodu noqdeen xaruumaha ugu waaweyn oo ay xagjiriinta dhufeysyadoodu ka qodan yihiin, taas oo ay weliba u sii dheer tahay in ciidanka cududa u ah ay inta badan ka soo jeedaan dhalinyarada gobolada koofurta.
Waxaa sidoo kale goboladda koofureed saldhigyo ku leh ciidamada wadamada deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa nabad sugida ka jooga wadamada Afrika, waxaana intaas wehliya in ciidamo badan oo ka kala yimaada wadamada deriska aysan intooda badan ahayn kuwo si rasmiya ula shaqeeya ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ah, waxeyna dhamaantooda goboladaas ka geystaan falal dembiyeedyo aad u xun, balse aysan jirin cid si dhaba kula xisaabtami kara, sidaas oo ay tahayna ayey dadka goboladaas ku qanacsan yihiin la joogidooda iyo la tacaamulkooda.
Sooyaalka dhow wuxuu xusayaa in marar badan oo ay aafooyin ka dhaceen gobolada koofureed ay u soo gurmadeen ciidamo dhalinyaro ah oo looga keenay bartamaha iyo degaanada ku wareegsan Xamar, kuwaas oo tiro aad u fara badan ay uga geeriyoodeen intii ay la dagaalamayeen xagjiriinta iyo canaasiirtii iyaga ka horeyseyba, balse dadka degen koofurta aysan mahdin naftihurnimadooda, taas bedelkeedana ay si isdabajooga uga abaaldhacaan ciidankaas naftooda u soo huray iney koofurta ka dul qaadaan sharta ay masiibadeedu ku dul habsatey.
Dadka waxgaradka u ah koofurta waxaa si qaldan uga dhaadhacsan kala mudnaanta dareenka qabiilka iyo nabad ku wada noolaashaha Soomaalida dhexdeeda ah, waxeyna taas ay sabab u noqotay iney si aan sax ahayn u fasirtaan in dhulkooda duulaan lagu yahay, waxaana talo xumadaas dhaxal ahaan u reebay marxuun Cabdulqadir Zoobe (AUN) oo markii uu federaalnimada ku doodayey ka codsaday Talyaaniga iney 30 sano sii hayaan Soomaaliya, isla markaasna dhulka u dhexeeya labada webi dhexdooda ay ku beeraan 2 milyan oo Talyaaniya intii ay Soomaalida ka koreeysa webiyada ay kula dhex noolaan lahayeen dhulalka u dhexeeya labada webi dhexdooda, waxeyna tilaabadaas ay ka dhigtay halabuur hirgalay oo ka dhigtay hal bacaad lagu lisay geesinimadii ay boqortooyooyinkii Ujuuraan, Geledi, Biyomaal, iyo wadalaan ay dadaalka ugu soo galeen si ay Soomaalidu ugu wada noolaato nolol Gobonimo leh.
Xiligii Isticmaarka wuxuu Talyaanigu si tiro beel ah uu gaboodfalo xadgudub ku ah bini aadamnimada uu si xooggan ugu geystey dadka ku nool gobolada koofureed, waxaana xusid mudan in xiliga ay siyaasiyiintoodu doonayeen sii joogista isticmaarka iney degaanadooda ka dhacayeen waxyeelo bahalnimo ah oo dadka loogu geysanayey deegaanadooda, waxaana tusaale muuqda u ah dhacdadii ka dhacday Keli Asaayle oo ay saacad gudaheed ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay kumanaan qofood, haddana aysan jirin waxgarad foolxumadaas ka gilgilishey, balse ay siyaasiyiintoodii ay si buuxda u taageerayeen in xukunka gumeysigaas arxanka daran uu sii socdo, isla markaasna dadkooda cadow looga dhigo gobolada waqooyi ka xiga oo ku eedeysnaa gumeysi diid.
Dadka degen koofurta waxaa mariin habaabiyey hal siyaaasi oo ay danaha Isticmaarka wax walba kala weynaayeen, kadibna ma aysan helin waxgarad maslaxadooda u iftiimiya, taas oo keentay iney jihada siyaasadooda ay hagto halabuurkii uu ka tegey waayoaragii sooyaalka madow ku dhex lahaa Soomaalida xiligii gobonimadoonka, kaas oo farta ugu fiiqay in indhahoodu ay ku sii jeediyaan dhanka waqooyiga deriska ka xiga, waana cuqdadaas ilaa iyo hadda mida maskaxdooda ka dhex guuxeysa oo xataa siyaasyiintooda jooga maanta ay Soomaalidu ugu qeybsan tahay geeljir duulaana iyo beeroleey dulman.
Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada koofureed waxey xooga maskaxdooda ku dhumiyaan eedo ay u soo jeediyaan beelaha waqooyiga ka xiga oo dhibaatooyinkooda oo dhan ay sabab uga dhigeen iney masuul ka yihiin, meesha looga baahnaa iney iska xiraan cutubka beenabuurka ah ee lala xiriiriyey siyasadaha geeljirka iyo beeroleyda, taas bedelkeedana looga baahan yahay iney la yimaadaan qorshooyin siyaasadeed oo ay ku hormarinayaan deegaanadooda intii ay siyaasad wanaagan u arki lahayeen iney iska dhigaan dulmaneyaal u baahan in beerdulucsiga dhibanenimadooda loogu kaalmeeyo.
Dadkii ay maskaxdoodu ku qufulnayd borograamka cadaawada ku dhisnaa oo ay soo falkiyeen isticmaarkii, haddana ay si male-awaala u sii qurxiyeen Kacaankii, ayaa intii ay ku sii jeedeen deriska ka xiga waqooyiga ayaa waxaa ka hoos baxday in gacmahooda ay ka baxaan Baardheere, Luuq, Bu’aale, iyo Kismaayo oo xuduudooda koofurta ka xigey xaga webiga Juba, deegaanadaas oo maanta aysan wax saameyna ku lahayn, waxeyna sidaas ay ku dhacday kadib markii dadkii hiiladooda derisnimo u taagnaa loo tusay iney yihiin dad duulan ku ah dadkooda oo dhulbalaarsi ku dul degeya deegaanadooda, hasayeeshee si kasta oo ay tahayba iyagoo arkaya guuldaradooda ayey misna waxey wax walba ka doorbideen shiishka ay ku hayaan dadka deegaanadooda waqooyi ka xiga oo ay abaalkooda ka dhigeen jizoxumo aan dhamaad lahayn, taas oo weliba u xuubsiibatey iney noqoto cadawtooyo furan oo jiilba kan xiga uu ka dhaxlo.
Dalku wuxuu maanta ku jiraa dagaal lagula jiro xagjirka, kuwaas oo inta badan haysta gobolada koofureed, waxaana dagaalka hadda socda si toosa ugu jira ciidan uu xooggiisu u badan yahay dhalinyarada ka soo jeeda gobolada bartamaha iyo deegaanada ka ag dhow Xamar, waxaana hadda dagaalka banaan joog ka ah kuwa Puntland iyo Jubaland oo marar badan saameeyntoodu ay maandooriye ku ahayeen maskaxda dadka koofurta degen, balse hadda ah daawade dagaalka ka fiirsanaya sheeda banaankeeda kore, kuwaas oo aan hadda iyo hadhowba aan dooneyn in dhiigoodu ku daato xoreynta deegaanada kofureed, balse ay taas bedelkeeda ay hadda ku hawlan yihiin iney isku soo koobaan oo keliya iney u muujiyaan gobolada koofurta aragtida ay saami wadaaga kula yihiin oo ah ineysan marna ahayn saaxiibka cadowgooda, balse ay weli diyaar ula yihiin hoga tusaaleynta soo jireenka ahayd ee loogu tilmaamayo cadowgooda deriska kala ah dhanka waqooyi.
Waxaa hadda la soo gaarey xiligii dadka koofurta degen ay maal iyo nafba u huri lahayeen xoreynta deegaanada ay degen yihiin, isla markaasna ay ka tanaasuli lahayeen in deeq ahaan loogu keeno dhalinyaro ka kala timaada bartamaha iyo Banadir oo ay dhigooda ugu xoreyeen lahayeen deegaanadooda, haddana naftood u huridoodana jazadooda looga dhigi lahaa abaaldaro aan mudnayn sharafta mansabkooda, waxeyna taas bedelkeeda ay hadda taladu hortaalaa waxgaradka koofureed oo si ka bedelel sidii hore looga baahan yahay, maxaa yeelay horay waxaa looga bartay iney marka xaaladu ku xumaato ay u soo qeylo dhaansadaan dadka ah derikooda waqooyi oo ay ku yiraahdaan maalkiina, xoogiina, maskaxdiina, iyo naftiina noogu xoreeya deegaanadeena, kadibna ay jizadeedu noqoto nooga baxa deegaankeena annagaa manfaceeda maamulaneynee.
Gobolada koofureed dadkeedu ma jecla dowlad, hadana ma necba xukunka dowladda, dadkooduna ma ahan weligood dad hilmaama wixii kaalmo ahaan loogu diido, mana ahan dad garawshiyo u leh abaalka loo galo, naftooduna ma ahan mid ay u sahlan tahay iney ku dhiiranaato iney si fudud u difaacdaan wanaaga maslaxada guud ee deegaankooda, waxaana sidoo kale aan ua sahlaneyn iney hantidooda ku iibsadaan hubka fudud oo ay tahay iney ku dagaalamaan, waxeyna taas bedelkeed ay madaxda dowladda ka aaminsan yihiin iney difaacdo danahooda oo dadka dhimanaya ay ahaadaan kuwo ka dhinta dhanka dowladda, dadkooduna ay noqdaan kuwo ka badbaada dhimashada iyo dhaawacyada halista ah oo dadka u keenta hawlgabnimo nafeed iyo mid maskaxeed ama jireed, waxeyna dadka koofureed oo aan sinaba u jecleyn dagaal nafta ay ku waayaan caado soo jireena u ahayd ducadooda ahayd in “bowdkaaga oo qoryo laga gurto waa dagaal bilowgiise eebow balaayadeeda na gudbi”, taas oo ka turjumeysa dagaalka aan hubeysnayn oo ay naftooda u galaan inuu ahaa oo keliya cida ku soo xadgudubta ooda ku wareegsan beertooda iyo deydka haweenkoodu ku dhex jiraan.
Macawisleey geesiyaala oo ka dhex dagaalanta gobolada koofureed waa ay adag tahay si looga dhex helo dadkeeda, sidaas si la midana suurtogal ma ahan in macawisleey deeq ahaan looga keeno gobolada waqooyi ka xiga iney ka dagaalamaan gobolada koofureed, balse waxaa fudud in la abaabulo koox diimeedka Suufiyada ka jirta koofurta oo dariiqadooda awgeed kula dagaalamaya xagjiriinta, waxaana loo baahan yahay in maskaxda lagu hayo in aysan culumadaas lahayn mabda’ dowladeed oo ay rumeysan yihiin oo ay ku difaacayaan dowladnimo Soomaaliyeed, waxaana xigasho mudan in la fahmo in dagaaladdii ka horeeyey xukunka isticmaarka ay ahaayeen kuwo ay u badnaayeen dagaalo salka ku hayey caqiidooyin diimeed oo kala raacsan dariiqooyin diimeed, kuwaas oo ay dagaaladoodu ka kala dhici jireen inta u dhaxeysa Afgooye ilaa iyo Baardheere dhexdooda, balse hadda su’aasha taagan ayaa waxey tahay: yaa hubeynaya oo isku huba wakhtiga hada la joogo dagaal yahanimada Suufiyiinta koofureed? Ha hilmaamin xiliyadii dhoweyd xataa Gedo iyo Jubada markii ay wax walba ay u shaqeyn waayeen ayaa waxey isku difaacayeen koox diimeedyo xagjiriina.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com