Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Senate-ka Mareykanka oo Ansixiyay Garsoore Brett Kavanaugh oo maalmo badan lagu dhagnaa

Senatka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, kadib isbuucyo hareeyay noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan.

50 senator, oo mid kaliya uu Dimuqraaddi ka yahay, ayaa ku codeeyay ‘Haa,’ halka 48 senator oo wada Dimuqraaddi ahna ay ‘Maya’ ku codeeyeen.

Quburrada ka faallooda siyaasadda, ayaa sheegaya in magacaabista Kavanaugh ee madaxweyne Donald Trump uu u xushey shaqada maxkamadda sare ay maxkamadda sare ka dhigi doonto mid ay ku bataan garsoorrada muxaafadka ah.

Kavanaugh, ayaa ah 53 jir, waxana shaqada loo igmaday ay tahay mid uu joogi karo inta noloshiisa ka dhiman.

Kavanaugh ayaa baddalaya garsoore Anthony Kennedy, oo dhawaan howl-gab ka noqdey howsha shaqada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo shaaciyay khasaaraha Dagaalkii Muqdisho iyo sida laga yeelayo Jeneraal Sheegow

Cabdi Cade

Daawo: Mugdi soo wajahay heshiiskii DP Word ee dekeda Boosaaso & Deni oo ka hadlay

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaarado Ciidamo sida oo kasoo degay Garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade
Taboola Ads ---