Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo: Guddiga PEC oo go’aan cusub ka soo saaray doorashada Puntland

Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta xaruntiisa dhexe ee Garowe kulan balaaran kula yeeshay qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee taageersan Madaxweyne Deni.

Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Fu’aad Adeer oo uu weheliyay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Mudane A𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑴𝒂𝒙𝒂𝒎𝒖𝒖𝒅 𝑪𝒖𝒎𝒂𝒓 iyo xubnaha sare ee Guddiga.

Waxa kulankaas ka dib guddiga iyo xisbiyada ka qeyb galay kulankaas ay si wada jira u shaaciyeen waqtiga ay bilaabanayso 𝘿𝙞𝙞𝙬𝙖𝙖𝙣𝙜𝙚𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙗𝙞𝙡𝙤𝙬𝙜𝙖 𝙬𝙖𝙘𝙮𝙞𝙜𝙚𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖 Doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka Puntland.

Guddiga Doorashooyinka Puntland Fu’aad Adeer oo shir jaraaid qabtay kulankaas ka dib ayaa sheegay in maadaama doorashooyinkii Puntland ay soo dhowaadeen xiligii la qaban lahaa uu guddigu shaacinayo in 16 Disembar ay bilaabayaan diiwaan gelinta cod bixiyeyaasha doorashooyinka.

Waxaa uu ugu baaqay xisbiyada iyo siyaasiyinta mucaaradka iney ka qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka Puntland, ayna muhiim u yihiin sidii Dimoqraadiyad loo hirgelin lahaa.

Guddigan ayaa horey u sheegay in doorashooyinka Madaxweynaha iyo golaha wakiilada Puntland la qaban doono bisha Febraayo, taasoo wax yar dhaafsiisan xiligii la qaban jiray doorashooyinka Puntland oo ahaa 8 Janaayo.

Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili mucaaradka Puntland ee diidan sida uu wax u wado Deni ay magaacaabeen guddi kale oo doorasho qabta 8da Janaayo si la mid ah doorashooyinkii ugu horey uga dhacay Puntland ee lagu soo doortay Madaxweynaha iyo golaha Wakiilada.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

Related posts

Xasan Shiikh oo Safar saddex todobaad qaadanaya dalka kaga dhoofay

Caydiid Ali

Dowlada Kenya iyo Mucaaradka oo heshiis hordhac ah ka gaaray khilaafka jira

Caydiid Ali

Ciidamada Dowladda oo howlgalo ka wada Deegaanadii Al Shabaab laga saaray Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---