Ciidamada milatariga Israel ayaa ku amray in si deg deg ah looga saaro bukaannada iyo dadka kale ee ku sugan gudaha isbitaalka Al Shifa ee magaalada Gaza, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay hareereeyeen gudahana u galeen.
Wakaaladda warar ee AFP ayaa baabhisay in ciidamada Israel ay u sheegeen agaasimaha isbitaalka Maxammed Abu Salmiya in uu hubiyo “in laga saaro bukaannada, dhaawacyada, barokacayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka ee ku jira isbitaalka.
Milatariga Israel ayaana ddaka bukaannada iyo kuwa kale ee amreen in ay ka baxaan isbitaalka u diiday in ay helaan gaadiidka gurmadka deg dega, waxa ayna dadka ku amreen in ay u lugeeyaan dhinaca xeebta oo qiyaastii jirta 7-km.
Israel ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in qolal ka hooseeya isbitaalka ugu weyn Gaza ay ku jiraan dagaalyahannada Xamaas ayna halkaasi ku leeyihiin godad ay saldhig ahaan u isticmaalaan, Xamaas ayaana warkaasi beenisay.
In ka badan 2,000 oo bukaan ah, shaqaale iyo Falastiiniyiin ku barokacay isbitaalka ayay hoy ka dhiganayay Shifa tan iyo markii ay Arbacadii gudaha u galeen ciidamada Israel, waxaana isbitaalka ku geeriyooday dad badan oo saameysay koronto la’aanta jirta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com