Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo loogu baaqay in uu cafis ka dalbado Ciidanka kumaandooska Danab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay taliyaha ciidanka la magac baxay kumaandooska Danab ee Puntland Jeneraal Jimcaale Takar iyo ciidanka uu hoggaamiyo.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka kumaandooska Danab ee Puntland ayey uga hor yimaadeen cafis uu u fidiyay madaxweyne Deni, waxa ayna sheegeen cidda dambiga gashay ee laga rabo in uu cafiska dalbado uu yahay madaxweyne Siciid Deni.

Taliska ciidamada uu hoggaamiyo Jimcaale Takar ee siyaasad ahaan la safan siyaasiiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in iyagu u hoggaansan yihiin go’aankii kasoo baxay isimadda Puntland ee ahaa in dooradshada ku dhacdo waqtigeedii saxda ahaa.

Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada Danab ee Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka dhacay gudaha dayuradii uu Muqdisho ka raacay RW Xamse? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madax kala duwan kula kulmaya Dooxa

Cabdi Cade

Somaliland oo dacwad ka dhan ah Dowladda Soomaaliya u gudbisay Hay’addo Garsoor

Cabdi Cade
Taboola Ads ---