Kooxda Xamaas ayaa 7-dii bishii October ee sannadkan dhulka xoogga ku heysato Israel ka afduubatay dad ka badan 200-qof, oo isugu jiray Israa’iiliyiin iyo dad kale oo ajaaniib ah oo ku sugnaa goobo la weeraray.
Dadka Xamaas afduubatey ayey ula dhaqaaqeen gudaha magaalada Gaza halkaas oo wali ku heestaan qaar badan oo dadkaasi kamid ah, waxaana duqeymaha Israel iyo siyaabo u geeriyooday qaar kamid ah maxaabiistii Xamaas heesatay.
Dowladda Tanzaaniya ayaa xaqiijisay in muwaadin u dhashay dalkaasi oo gacanta ugu jiray kooxda Xamaas uu geeriyooday,lamana shaacin ilaa hadda ninkan oo ahaa arday qaabka uu u geeriyooday.
Clemence Felix Mtenga, oo 22 jir ah, wuxuu ahaa mid ka mid ah laba qof oo Tanzanian ah oo ay kooxda Xamaas afduubatay 7dii Oktoobar, lamana oga ninkan in Xamaas dileen iyo in uu ku dhintay duqeymaha Israel.
Kooxda Xamaas ayaa afduubatay dad ka badan 230-qof oo ku sugnaa gudaha Israel, waxaana dadkan Israel sheegtay in ay ku jiraan dad kasoo kala jeeda 25-dal oo ku jiraan kuwa Afrikaan ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com