Allbanaadir.com
NEWS

Rag loo heesto in Al Shabaab yihiin kuna sii jeeday Galgala oo maxkamad lasoo taagay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa mar kale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan kamid noqoshada kooxda Al-shabaab, waxaana xubnahan lagu maxkamadeeyay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Raggan maxkamadda lasoo taagay oo ahaa dhallinyaro ayaa la sheegay xilligii la qabanayay in ay kusii jeedeen buuraha Galgala ee gobolka Bari Puntland, si ay uga mid noqdaan dagaallamayaasha Al Shabaab ee ku sugan buurahaasi.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa kusoo eedeysan dhallinyarada maxkamadda la horgeeyay in ay tababaro horey usoo qaateen, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay kasoo dagaallameen deegaanno ay kamid yihiin Ceel-lahelay iyo Sinidhaqo.

Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda u sharxay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7-ka mid ah eedeysanayaashan u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee sannadkan 2023.

Raggan maxkamadda lasoo taagay ayuu sheegay baaraha kiiska in laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo iyaga oo kusii jeeday dhinaca Puntland, waxa uuna baaraha sheegay in ay qiraal yihiin in Al Shabaab katirsanaayeen kuna sii jeedeen Galgala.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga Dalka.

Qareenka difaacayay eedeysanayaasha qaarkood ayaa ayaa maxkamadda u sheegay in ay muwa-kaliintiisu qorsheynayeen in ay isku soo dhiibaan ciidamada sidaas daraateed la dhaqan-celiyo.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo gabo-gabeysay dhageysiga dacwadda, waxayna sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka iyo xukunka dadkan loo heesto in Al Shabaab katirsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad Lacag magdhaw ah ku xukuntay shirkad wareysi-shaqo ka ceyriyay gabar diidday in ay salaanto ninkii wareysiga ka qaadayay!!

admin

Akhriso Mooshinka laga gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Adam Abdelmoula ku soo arkay Suuqii gubtay ee Hargeysa?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---