Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ka jira deegaannada Jubaland.
Guddigan uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa guddoomiye looga dhigay madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Suldaan Cabduqaadir Lugadheere, waxaana guddigan xubno ka ah wasiirro iyo guddoomiyaal gobol.
Degmooyin iyo deegaanno katirsan maamulka Jubbaland waxaa ku fatahay wabiga jubba, waxaana fatahaada ka dhalatay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho, bur bur, barakaca iyo dhibaatooyin kale oo badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com