Allbanaadir.com
NEWS

Macwuusley loo diyaariyay dagaalka ka dhan ah Al Sabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Waxaa maanta deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug lagu soo bandhigay ciidamo macawuusley ah oo kasoo jeeda dadka deegaanka, kuwaa oo sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidankan lasoo bandhigay oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa isku xilqaaday ka qeyb qaadashada dagaalka, waxaana ciidankan kormeer ugu tagay lana hadlay saraakiil katirsan dowladda.

Saraakiisha ciidanka macawuusleyda hoggaamineysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka Al Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug, gaar ahaan goobaha ay wali ka joogaan gobolka Mudug.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa Al Shabaab ka saaray deegaanno badan oo kuyaalla gobolka Mudug ay ku jirto Bacaadweyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Axmed Karaash oo fagaare kula ciiday shacabka Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Imaaraadka oo Ciidamo badan ka dilay Dowlada Yemen iyo xiisad sii xoogeesatay

Cabdi Cade

Waa sidee saaka xaalada Laascaanood ka dib dagaaladii shalay ka dhacay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---