Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Kenya oo dadka uga digtay hilib soo galay Nairobi iyo Waxa uu yahay hilibkaasi

Dowladda Kenya ayaa war ay soo saartay dadka ku dhaqan dalkaasi gaar ahaan magaalada Nairobi uga digtay in ay iibsadaan ama cunaan hilib dameer oo lasoo galiyay qeybo kamid ah magaalada .

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Muranga ee dalkan Kenya ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo sida ilaa 2000 oo kiilo oo hilibka dameerka ah u soo baxsaday dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda. Kenya.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in ay ka cabsi qabaan in hilibkaan Nairobi loo soo qaaday in la geeyo kawaannada hilibka lagu iibiyo laguna siro dadka, waxa ayna sheegeen in ciidamada ay dabagal ku wadaan hilibkaas iyo halkii uu ku dambeeyay.

Ku xiigeenka guddoomiyaha amaanka ee ismaamulka Muranga, Gitonga Murungi, ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 3,000 oo kiilo oo hilibkaas ah oo lagu qabtay beer ku taala deegaanka Makuyu.

Gitonga Murungi, ayaa sheegay in baaritaanno ay sameeyeen ku ogaadeen in saddex maalin gudaheed lagu qalay 70-dameer, waxa uuna xusay in ay ciidamada kudaba jiraan 10-qof oo falkan ku lug lahaa, kuwaa uu tilmaamay in ay baxsadeen.

Hilibka dameeraha ayaa laga mamnuucay dalka Kenya, waxaana jira kooxo si qarsoodi ah hilibka dameeraha ugu suuq geeya gudaha Kenya, iyadoona dadka qaar loo qariyo hilbahaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashada Somaliland oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali

Jadwalka Hadal jeedinta Musharaxiinta Guddoonka Gollaha shacabka oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Bacadlihii Xamar Weyne oo la duminayo & Mall casri ah oo laga dhisayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---