Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo ku fashilantay iney cadeyso sababihii ay u weerartay Isbtaalka Shifa (Sawirro)

Israa’iil ayaa sii daysay muuqaal ay ku taageerayaan sheegashadooda inay ka heleen god ku yaal barxadda Isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Gaza hase ahaatee dowladaha Reer galbeedka ee taageeraya ayaa sheegay in cadeyntan Israel aysan aheyn mid lagu qanci karo.

Xamaas ayaa beenisay inay isbitaalka u adeegsaneysay xarun laga maamulo dagaalka, waxayna sheegashada Israel ku tilmaantay “been aan sal iyo raad lahayn.”

Isbitaalka ayaa noqday xudunta dagaalka tan iyo markii ciidamada Israa’iil ay weerar milateri ku qaadeen Gaza. waxayna horey sirdoonka israel u sheegayeen in godad iyo xarumo waaweyn ay Xamaas ku leedahay isbitaalka hoostiisa.

“Maanta waxaan helnay mid ka mid ah godadka Xamaas ee gudaha isbitaalka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay millatariga Israa’iil.

Hase ahaatee Xamaas ayaa ku tilmaantay sheegashada Israel ee ah inay ka heleen godka Hospital Al-Shifa wax lagu qoslo iyo been la dhoodhoobay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil ayaa weeraray isbitaalka oo ah kan ugu weyn Gaza saacadihii hore ee Arbacada ka dib markii ay sheegeen inuu hoostiisa ku yaallo taliska laga maamulo Xamaas.

Dhakhaatiirta iyo saraakiisha caafimaadka ee ku sugan deegaanka ay Xamaas maamusho ayaa si joogto ah u beeninayey eedeynta.

Fiidiyowga Israa’iil ayaa muujinaya dalool ku yaalla gudaha Isbitaalka sida ka muuqata sawirka hoose hase ahaatee si madax banaan looma xaqiijin karo waxaa uu yahay daloolkaas.

Warka ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay sidoo kale meel u dhow godka ka heleen wax ay ku sheegeen hub iyo rasaas ay laheyd Xamaas.

Balse, Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in hub yar yar oo la soo bandhigay aysan cadeyn u noqon karin in Isbitaalka loo adeegsanayey arrimo ciidan.

Xamaas aya sheegtay in hubka ay soo bandhigtay Israel uu yahay dacaayad raqiis ah oo Israel ku dooneyso iney marmarsiiyo ugu hesho sababihii ay isbitaalka u weerartay.

(Hub ay iyagu geeyeen bay isku soo sawireen iyagoo ka dhigaya iney Xamaas laheyd, waa sheeko xitaa caruurta aan laga dhaadhicin karin” ayaa lagu yiri war ay soo saartay Xamaas.

Afhayeenka milateriga Israel Daniel Hagari ayaa sheegay in injineerada ciidamadu ay ka shaqeynayaan sidii ay u soo bandhigi lahaayeen kaabayaasha godkaas iyo cadeymo dhameystiran

“Waa isku day dhicisoobay oo lagaga baxsanayay isla xisaabtanka mustaqbalka iyo dabagalka sharciga,” ayaa lagu yiri bayaanka Xamaas.

Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa si isdaba joog ah uga codsatay tobanaan jeer dhammaan hay’adaha, ururada caalamiga ah, iyo qaybaha ay khusayso inay kormeeraan dhammaan isbitaallada, si ay u cadeeyaan been abuurka Israel hase ahaatee milateriga Israel ayaa diiday in Kormeerayaal caalami ah la geeyo isbitaalka si ay baariitaan u sameeyaan.

Sida uu qoray wargeyska Washington Post Israa’iil waxaa saaran cadaadis xoog leh oo ku saabsan iney cadeymo lagu qanci karo u keento sheegashooyinkeeda ah in isbitaallada Gaza,  gaar ahaan al-Shifa ay talis u yihiin Xamaas sababtaas awgeedna ay u beegsanayaan xarumaha daryeelka caafimaadka.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in wixii cadeymo dheeraad ah loo soo bandhigi doono sida ugu dhaqsiyaha badan, isla markaana saxafiyiinta la siin doono fursad ay ku soo booqdaan goobahaasi.

Weriyeyaal ka kala socday Fox News iyo BBC ayaa safarro gaaban lagu geeyey isbitaalka waxayna sheegeen ineysan arkin calaamado muujinaya in isbitaalka arrimo milateri loo adeegsanayey.

Israa’iil waxay rajaynaysay in weerarka Isbitaalka uu soo saaro cadaymo sugan oo muujinaya dhaqdhaqaaqyada Xamaas ee Al-Shifa sida diblamaasi reer Yurub ah uu  u sheegay Washington Post. Laakin maqnaanshaha cadeymo cad ilaa iyo hadda ayaa durbadiiba keentay in xulafada reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka ay kordhiyaan cadaadiska Israel si ay u aqbasho joojinta dagaalka, sida uu sheegay diblamaasiga, maadaama waxyaabihii ay israel sheegeysay ay u keeni weysay cadeymo buuxa.

Related posts

Dowlada oo ka hadashay Weerar ka dhacay magaalada Dujuuma iyo Khasraaha ka dhashay

Cabdi Cade

Farmaajo oo ciidamada dowlada ugu baaqay iney ka fogaadaan hal arrin oo khatar ah

Caydiid Ali

Guddiga doorashada oo fasaxay labo kamid ah Kuraastii Koonfur Galbeed laga hakiyay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---