Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro Soomaali ah oo dhimasho & dhaawac ku noqday shil ka dhacay Canada

Shil baabuur oo uu ku dhintay wiil Soomali ah laba kalena uu dhaawac ka soo gaaray ayaa ka dhacay Gobolka Alberta ee dalka Canada.

Wiilasha dhaawaca ah ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka sida ay sheegeen booliska dalka Canada

Laba kamid ah wiilasha ku waxyeeloobay shilka ayaa todobaadyo ka hor galay dalka Canada.

Wiilka dhintay ayaa magaciisu yahay Muxumed Muuse Muxumed halka labada dhaawacu soo gaarayna lagu kala sheegay magacyadooda Maxamed Xassan Ibraahim iyo Mustaf Cismaan Maxamed.

Wiilasha ayaa ka baxay magaalada Calgary ee gobolka Alberta waxayna ku sii jeedeen magaalo kale oo ku taala isla gobolkaas

 

Related posts

(Sawirro) Imaaraadka oo $35 Bilyan ku iibsatay Magaalo ku taalla xeebaha Masar

Caydiid Ali

Kenya oo Wali ka faa’iideesaneysa Badda loo xukumay in Soomaaliya leedahay

Cabdi Cade

Waare oo wareejiyey lacag ka badan hal milyan & Boqol kun oo dollar (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---